Man United  oo gacanta ku soo dhigtay Di Maria-ha cusub oo qofkasta iyo waxkasta ka Yaabiyay

ssss

(Manchester) 09 Nof 2017. Man United ayaa la warinayaa inay Benfica kala soo wareegtay da’yarka lagu sheego Angel Di Maria ha cusub ee lagu magacaabo Umaro Embalo.

Jose Mourinho ayaa Old Trafford keeni doona 16-jirka reer Guinea kaddib markii uu ka yaabsaday qofkasta iyo waxkasta oo ku sugnaa Portugal.

Manchester United ayaa isha ku heysay Embalo inta badna sanadkan iyadoo ay kooxda ku guul darreysatay dalab 4 milyan ah ay ku dooneysay suuqii xagaaga.

 Man United have brought 16-year-old Umaro Embalo to Old Trafford

Real Madrid ayaa sidoo kale dooneysay wiilkan yar iyadoona la wariyay inay adeegiisa ku dooneysay adduun dhan 9 milyan bound.

Lama garanayo qiimaha ay Man United kula wareegtay Embalo laakiin Mourinho iyo wakiilka Jorge Mendes ayaa door wayn ka ciyaaray sidii looga qancin lahaa inuu horumarkiisa ka sii wato dalka Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close