Kooxda Atalanta oo soo bandhigtay naqshadda garoonkeeda cusub + Sawirro

(Bergamo) 09 Nof 2017 – Kooxda Atalanta ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku casriyaynaysyo garoonkeeda Stadio Atleti Azzurri D’Italia, kaasoo ay Orobici ay horraantii sanadkan ka iibsatey dowladda hoose ee Bergamo, iyadoo kula wareegtey €11.2m.

Waxay sidoo kale 6 sano kiraysteen barxadda gawaarida la dhigto ee Lazzaretto car park, iyo dhul ku fadhiya 2,000 oo mitir oo ay u adeegsan doonaan dhismayaal kale, waxayna maanta soo bandhigeen qorshe ay ku casriyaynayaan kuna ballaarinayaan garoonka oo haatan qaada 21,300 balse la gaarsiinayo 24,000 oo kursi.

b b2 b3 b4 b5 b6 b8 b10

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close