Jurgen Klopp oo doortay laacibkii ugu fiicnaa ee uu tababare u noqdo

Klopp

(Liverpool) 09 Nof 2017 Jurgen Klopp ayaa daaha ka qaaday magaca laacibkii ugu fiicnaa ee uu tababare u noqdo intii uu ku guda jiray waayihiisa tababarenimo.

Klopp ayaa sheegay in Mario Gotze uu yahay xiddigii ugu fiicnaa intii uu soo tababaray gaar ahaan ciyaartoyda kooxaha Borussia Dortmund iyo Liverpool.

Image result for Mario Gotze and Klopp

Sidoo kale wuxuu sheegay in Robert Lewandowski uu yahay laacibka hormarka ugu badan sameeyay intii uu tababaraha u ahaa.

“Laacibkii ugu fiicnaa ee aan tababaro waa Mario Gotze, wuxuu ahaa laacib aan la rumaysan karin, sidoo kale Lewandowski ayaa ah laacibkii hormarka ugu badan ku sameeyay agtayda” ayuu yiri Klopp.

“Xiriir joogto ah ayaan la sameeyaa qaar badan oo kamid ah ciyaartoydii aan ku soo tababaray Dortmund, aad ayeey u yaryaraayeen markii aan hogaaminayay sidaas darteed waxaan u ahay aabe oo kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close