FIFA oo soo bandhigtay kubadda rasmiga ah ee lagu ciyaarayo Koobka Adduunka 2018 + Sawirro

(Moscow) 09 Nof 2017 – Sharikadda farsamaysa agabka isboortiga ee Adidas ee dalkaasi Jarmanka ayaa soo bandhigtay kubadda rasmiga ah ee xagaaga soo aaddan lagu dheeli doono KA2018.
Sharikadda Adidas oo tan iyo 1970-kii u xil saarrayd farsamaynta kubadda lagu ciyaarayo Koobka Adduunka ayaa kubadda la yiraahdo Telstar 18 u ekeeysiisay dayax-gacmeedkii Telstar iyo kubaddii qadiimiga ahayd ee 50-meeyadii lagu dheeli jirey si looga arko TV-yadii black and white-ka ahaa.
Waxaana kubaddan lagu dhisay farsamo tiknolojiyadeed casri ah oo ka saacidaysa dhanka cabirka, aragtida, miisaanka iwm ee hoos ka dhugo.
Gool FM