Maradona oo la moollaystey madaxwaynaha Venezuela Nicolás Maduro + Sawirro

(Caracas) 08 Nof 2017 – Cabqarigii kubadda cagta ee Diego Maradona oo lagu naanayso Pibe de Oro ayaa caasimadda Venezuela ee Caracas kula kulmay madaxwaynaha dalkaas ee Nicolás Maduro Moros.

Intii lagu jirey booqashadaasi ayuu dhowr munaasabadood ka qayb galay, middoodna waxay ahayd isagoo kubad la moollaystey madaxwaynaha dalkaasi Maduro.

Maradona ayaa sidoo kale qandaraas la galay TV-ga dalkaasi ee Telesur oo uu wax la falanqayn doono inta uu soconayo KA2018 oo xagaaga soo aaddan ka dhici doona dalka Ruushka.

b b1 b2 b3 b5

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close