DAAWO: ”Horta yaa adiga TV ku fariisiyay!!” – Vieri & Lineker oo ay ka tafatay! (Maxay isku maageen?)

(Roma) 08 Nof 2017 – Karim Benzema ayaa dabcan maraya maalmihii ugu xumaa waayihiisa ciyaareed isagoo dhaleecayn ka wajahaya taageeyayaasha Real Madrid isagoo 2 gool uun dhaliyay 12 kulan iyo 431 daqiiqo oo uu dheeley.

 Yeelkeede, dadka qaniiney 9-ka Blancos waxaa ugu horreeya laacibkii hore ee xulka England ee Gary Lineker oo ninkan reer Faransiis ku ganay dhowr waran, balse Bobo Vieri ayaa Benzema ku difaacay istuudiyaha Bein Sports.


“Ma garanayo sida uu Lineker uga shaqeeynayo TV. England unbay malaha ka dhacdaa. Waa nin goolasha ka dhalin jirey diilinta ganaaxa…Haddii uusan weeraryahan gool dhalinin miyaa la dilayaa? Maaddaama uu weeraryahan ahaa waxay ahayd inuu dadka kale dhaamo… ” ayuu ku dooday Vieri.


Waxaase markiiba Twitter kusoo jawaabey weeraryahankii hore ee England: “TV ayuu ka hadlayaa isagoo su’aalo kubadeed waydiinaya taasoo ay ka dhadhamayso inuu su’aalo u qabo laacibiinta kubadda cagta sidoo kale.” ayuu yiri Lineker.

Benzema ayaa laftiisu horay uga hadlay arrinta Lineker isagoo leh: “Waan ka xumahay kubad yahannadii hore oo haatan weriyayaal u noqday kaliya inay muujiyaan cadaawadooda.” 

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close