Cristiano Ronaldo oo u sheegay Zidane in Bale aan lagu soo bilaabin kulanka Derby Madrid

Image result for Ronaldo and Bale Angry

(Madrid) 08 Nof 2017 Xiddiga reer Portugal ayaa u gudbiyay tababare Zidane ra’yigiisa ku aadan qaabka ay uga adkaan karaan Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa rumaysan in ka garab ciyaarida Isco iyo Benzema ay tahay shaxda haatan ugu fiican Real Madrid sida ay baahisay Don Balon.

Image result for Ronaldo and Bale Angry

Ronaldo ayaa ka codsaday tababare Zidane in Gareth Bale aan lagu soo bilaabin kulanka Atletico Madrid si isku dhex yaac uusan u imaan.

Gareth Bale ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, waxaana la filayaa inuu qayb ka noqdo ciyaartoyda Real ee wajahaya Atletico marka laga soo laabto ciyaaraha xulalka.

Mustaqbalka Bale ee Real Madrid ayaa halis ku jira, kooxda ayaana qorshaynaysa inay iska iibiso dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close