Walwal soo wajahay Arsenal kadib dhaawac soo gaaray Olivier Giroud

(London) 07 Nof 2017 Weerar yahanka Arsenal ee Olivier Giroud ayaa ku dhaawacmay tababarka xulkiisa France ka hor kulanka Wales.

Olivier Giroud ayaa la arkayay isaga oo haysta lugta xili lagu guda jiray tababarka xulka France uu isugu diyaarinayo kulanka jimcaha ay la ciyaarayaan Wales.

Lama hubo in laacibku uu qayb ka noqon doono kulanka Wales, laakiin waxaa la xaqiijiyay in dhaawiciisu uusan ahayn mid halis ah.

Giroud ayaa muhiim u ah weerarka Arsenal isbuucyada soo aadan maadama kooxdu ay la ciyaarayso Tottenham iyo Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close