UEFA oo FIFA kala xaajoonaysa sidii loo caalamiyayn lahaa tartanka cusub ee UEFA Nations League

(Nyon) 07 Nof 2017 – Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xaqiijiyay inay wada xaajood kula jiraan dhiggooda FIFA si loo caalamiyeeyo tartanka UEFA Nations League ee ay xulalka Yurub ku yeelanayaan ciyaaro saaxiibtinimo.

Hannaankan oo xulalka loo qaybiyay ilaa 4 guruub oo qaybta 1-aad hoggaaminayaan xulalka muruqya waynta ah ee qaaradda cajuusada ah ayaa gacan ka gaysan doona inuu go’aamiyo xulalka usoo baxaya Eiro 2020 iyo xitaa sida loo kala gelin doono dheriyada.

Guruubyada ayaa u dagaallami doona kooxdii koobka qaadi lahayd, waxayna UEFA haatan BBC u sheegtay inay wada xaajood kula jirto FIFA si tartanka loogu ballaariyo caalamka oo loogu ciyaaro meelo ka baxsan yurub.

Hoos ka eeg guruubyada sida loo kala galay:

League A: Germany, Portugal, Belgium, Spain, France, England, Switzerland, Italy, Poland, Iceland, Croatia, Netherlands

League B: Austria, Wales, Russia, Slovakia, Sweden, Ukraine, Republic of Ireland, Bosnia and Herzegovina, Northern Ireland, Denmark, Czech Republic, Turkey

League C: Hungary, Romania, Scotland, Slovenia, Greece, Serbia, Albania, Norway, Montenegro, Israel, Bulgaria, Finland, Cyprus, Estonia, Lithuania

League D: Azerbaijan, FYR Macedonia, Belarus, Georgia, Armenia, Latvia, Faroe Islands, Luxembourg, Kazakhstan, Moldova, Liechtenstein, Malta, Andorra, Kosovo, San Marino, Gibraltar

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close