Ronaldo oo sharad ku galay in Messi uu ku garaacayo gool dhalinta horyaalka Spain

Image result for Messi Ronaldo

(Madrid) 07 Nof 2017 Cristiano Ronaldo ayaa la ogaaday sharad uu ku galay in Messi uu ku garaacayo gool dhalinta horyaalka Spain xiliciyaareed kaan.

Idaacada Onda Cero ayaa baahisay in Ronaldo uu sharad la galay ciyaartoyda hogaanka u ah Real Madrid sida Ramos, Marcelo iyo Benzema.

Ronaldo ayaa sharadka ku dhigtay in xiliciyaareed kaan uu ku garaacayo Messi gool dhalinta horyaalka Spain.

Laakiin sharadka Ronaldo ayaa u muuqda mid aan suurogal ahayn kadib markii uu dhaliyay kaliya hal gool 11-kulan oo la ciyaaray horyaalka.

Messi ayaase dhankiisa dhaliyay 12-gool 11 kulan oo uu ciyaaray horyaalka, wararka ayaa intaa ku daraya in ku guulaystaha sharadka uusan qaadanayn lacagta balse lacagta la siinayo hay’adaha caawiya dadka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close