“Koob qaxwo ah ayaa iga xiga inaan heshiis cusub u saxiixo Juventus” – Giorgio Chiellini

Image result for Chiellini 2017

(Torino) 07 Nof 2017 Daafaca Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa cadeeyay in wax dhibaato ah aysan ka haysan inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Wuxuu sheegay in koob qaxwo ah oo kaliya uu ka xigo in la dhameeyo heshiis kordhintiisa Juventus.

Qandaraaska Giorgio Chiellini ee Juventus ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waana mid kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.

“Heshiis kordhintaydu ma qaadanayso wax ka badan 5-daqiiqo, koob qaxwo ah ayaa ku filan in la dhameeyo sheekada” ayuu yiri Giorgio Chiellini.

Giorgio Chiellini ayaa isku diyaarinaya inuu u dabaal dago 14-guuradii ka soo wareegtay markii uu ku soo biiray Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close