CODKII CABQARIYADA CIYAARTA: Zidane oo farriin sagootin ah u diray Pirlo

(Madrid) 07 Nof 2017 – Waxay labadan cabqari ee ay beri lahaan jirtey kubadda cagtu wada xiran jireen lambarka 21-aad ee Juventus sidaa darteed waa la oran karaa waxaa jirey xiriir ka dhexeeya Andrea Pirlo iyo Zinedine Zidane.

Jookarkii reer Talyaani ee kubadda rogrogi ogaa ayaa shalaytoole ka dhawaajiyay go’aan ah inuu kabihiisa wari doono kaddib markii uu kooxdiisa u idlaaday fasal-ciyaareedka horyaalka Maraykanka ee MLS, waxaana ilaa shalay iska soo daba dhacayay farriimaha sagootinta ah ee ka imaanayay bari iyo galbeedba.

“Mahadsanid in badan, maestro ama macallin,” ayuu Zidane kusoo qoray boggiisa Instagram isagoo kabshankaa soo raaciyay midabadda dameer farowga ah ee ay labaduba u qaadan jireen Bianconeri.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close