Atletico Madrid oo qiimo qaali ah iyo laacib ku doonaysa Mohamed Salah

Salah 1

(Madrid) 07 Nof 2017 Atletico Madrid ayaa si wayn ula dhacsan qaab ciyaareedka Mohamed Salah uu ku soo bandhigayo Liverpool.

Express ayaa daaha ka qaaday in Atletico ay ku doonayso Mohamed Salah lacag dhan 50 milyan oo Ginni.

diego-simeone-atletico-madrid-21082016_7aswd3a6toih1inr3ig4nl1kj

Atletico ayaa sidoo kale diyaar u ah in Carrasco uu qayb ka noqdo heshiiska si Liverpool ay ugu qanciso iibka laacibka reer Masar.

Kooxda reer Spain ayaa laga qaadayaa ganaaxa dhanka suuqa kala iibsiga bisha janaayo, markaas oo tababare Simeone uu isku dayayo inuu helo ciyaartoy dhawr ah.

Diego Costa iyo Vitolo ayaa markaas fursad u helaya inay u ciyaaraan Atletico Madrid bisha janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close