Arsene Wenger oo ugu danbayn ka tagaya Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan haddii…

Wenger 6

(London) 07 Nof 2017 Arsene Wenger ayaa ugu danbayntii diyaar u ah inuu baneeyo shaqadiisa kooxda Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan haddii kooxdu ay ku fashilanto u soo bixida Champions League.

Sida laga soo xigtay IndyKaila, Maamulka ayaa wadahadal la galay Wenger xaggaagii waxayna waydiiyeen inuu sii joogayo kooxda kadib xiliciyaareedka 2017-2018.

Wararka ayaana sheegaya in Wenger uu soo gabagabayn doono mashruuciisii waqtiga dheeraa ee Arsenal haddii kooxdu ay u soo bixiwayso koobka horyaalada yurub xiliciyaareedkii labaad oo xiriir ah.

Tan iyo markii uu qabtay shaqada Arsenal, xiliciyaareedkii hore ayeey ahayd markii ugu horaysay ee kooxdu ay ku guul daraysato u soo bixida Champions league.

Waxaa taas sii dheer, Ozil iyo Sanchez oo la filayo in si bilaash ah ay uga tagaan kooxda taas oo musiibo u ah Gunners, sidoo kale waxaa jira taageerayaasha oo si wayn u dalbanaya in Wenger uu baneeyo shaqada Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close