Unai Emery iyo Neymar oo kulmay si ay xal uga gaaraan khilaafkooda

(Paris) 06 Nof 2017 Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in tababare Unai Emery uu kulan la qaatay Neymar.

Laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuusan la dhacsanayn tababarka Unai Emery uu siiyo kooxda taas oo la arkay isaga oo ka hor imaanaya qorshaha tababaraha dhawr jeer.

Marca ayaa baahisay in Unai Emery uu ka codsaday kulan dhamaan ciyaartoyda reer Brazil gaar ahaan Neymar si xal looga gaaro is fahamdarada dhexdooda ah.

Unai Emery ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka Neymar laakiin wuxuu ka codsaday inuu sii laba jibaaro qaab ciyaareedkiisa, wuxuuna u xaqiijiyay in kooxdu ay hiigsanayso ku guulaysiga horyaalka iyo Champions League.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Unai Emery iyo Neymar ay iska xaliyeen khilaafkii dhexdooda yaalay, waxaana la xaqiijiyay in sababtii Neymar uu u seegay kulankii Angers uu ahaa inuu dhaawac qabay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close