Pep Guardiola oo diiday in Manchester City lala barbar dhigo Barcelona iyo Bayern Munich

(Manchester) 06 Nof 2017 Tababaraha reer Spain ee kooxda Manchester City ayaa diiday in kooxdiisa haatan lala barbar dhigo kooxihii uu horay u soo layliyay.

Pep ayaa waqti fiican ku soo qaatay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo uu la qaaday koobab muhiim ah.

Kadib guushii shalay kooxdiisu ay ka gaartay Arsenal ayuu diiday tababare Pep Guardiola in kooxdiisa City la lameel dhigo Barca iyo Bayern maadama uusan wali la qaadin wax koob ah.

“Ma inkiri karno in labadii bil ee la soo dhaafay aan ahayn koox cajiib ah, guul ayaan helnay dhamaan kulamadii aan ciyaarnay, in arinkaas ad samayso laba bil waa wax aad u adag” ayuu yiri Pep Guardiola.

“Kooxihii aan horay u soo tababaray ee Barcelona iyo Bayern waxaan kula guulaystay koobab, laakiin Man City wali kulama guulaysan”.

“Ilaa ay iiga suuro galayso inaan koob la qaado ma ahan inaan is barbar dhig samayno” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close