Marcelo oo u sheegay Benzema inuu is hagaajiyo

(Madrid) 06 Nof 2017 Daafaca Real Madrid ee Marcelo ayaa u sheegay Karim Benzema inuu is hagaajiyo kadib orintii ay ku oriyeen taageerayaasha.

Real Madrid ayaa xalay 3-0 uga adkaatay Las Palmas, Karim Benzema ayaana ka khasaariyay kooxdiisa fursado badan.

Marcelo ayaa sheegay in laacibka marka lagu fooriyo ay la midtahay inuu inbadan hagaajiyo qaab ciyaareedkiisa.

“Marka laga hadlo foorida, waxaa lagu fooriyay ciyaartoy badan laakiin sidaas marka ay dhacdo waxay la micno tahay in laacibku uu u baahanyahay inuu is hagaajiyo” ayuu yiri Marcelo.

“Inkasta oo Benzema uu si fiican u qaato tababarka waa inuu ogaadaa in arinkaan uu qayb ka yahay kubadda cagta”.

“Ronaldo iyo Benzema sifiican ayeey tababarka u qaataan, qaab ciyaareed fiican ayeey ku soo bandhigayaan kooxda laakiin dadka qaar ayaa ka niyad jabsan gool dhaliskooda oo yar iyo fursadaha ay khasaariyaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close