Laacib ka soo ciyaaray Premier League oo geeriyooday isagoo 25-jir ah

Dionatan Teixeira of Stoke City during the Colonia Cup match between FC Porto and Stoke City on August 2, 2015 at the RheinEnergieStadion in Koln, Germany.(Photo by VI Images via Getty Images)

(Europe) 06 Nof 2017. Daaficii hore ee Stoke City Dionatan Teixeira ayaa geeriyooday isagoo 25 jir ah.

Waxaa la tuhunsan yahay inuu u dhintay wadno xanuun mar uu waqti ku qaadanayay dalkiisa hooyo ee Brazil.

Teixeira ayaa ku soo biiray kooxda lagu naaneyso Potters 2014 kolkaa uu tijaabo uga yimid kooxda Manchester City oo uu labo kulan uun badel ahaan uga soo muuqday.

 Dionatan Teixeira in action for Stoke City

Sheriff Tiraspol ee ka dhisan Moldova ayuu ku biiray kaddib markii uu ka soo tagay naadiga Stoke City, wuxuu sidoo kale heshiis amaah ah ku soo qaatay Fleetwood Town oo xaqiijisay geeridan naxdinta leh.

“Saacado yar ka hor, nin fiican isla markaana ah ciyaaryahan heer sare ah, laacibkii hore ee FC Sheriff Dionatan Teixeira ayaa geeriyooday.

“Daafaca reer Brazil wuxuu ahaa 25 jir oo kaliya, dhammaan kooxda waxay ka nexeen aqbaarta musiibada leh, xanuunka inaan lumino isaga waa mid wayn.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close