Juventus oo qorshaynaysa in Barcelona ay ku garaacdo saxiixa Philippe Coutinho

Image result for Coutinho Juventus

(Torino) 06 Nof 2017 Juventus ayaa qorshaynaysa in Barcelona ay ka dul qaado saxiixa kubadd sameeyaha Liverpool ee Philippe Coutinho.

Sida lagu daabacay Don Balon, Kooxda reer talyaani ayaa bartilmaameed muuqda ka dhiganaysa Philippe Coutinho.

Juventus ayaa isku diyaarinaysa inay ku dalbato laacibka reer Brazil lacag dhan 155 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso Liverpool inay si fudud uga iibiso laacibkeeda.

Kooxda reer talyaani ayaa dagaal culus la galaysa kooxaha Barcelona iyo PSG kuwaas oo si wayn u doonaya saxiixa 25 jirka reer Brazil.

Juventus kama cabsi qabto bixinta lacag badan laakiin cabsida ayaa ah qaabkii ay ugu qancin lahayd inuu ka ciyaaro horyaalka talyaaniga oo uu horay ugu fashilmay waqtigiisii Inter.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close