Gary Neville oo uga digay Conte inuu keydka ku sii haayo David Luiz

(London) 06 Nof 2017 Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa digniin u diray tababaraha Chelsea ee Antonio Conte.

Tababaraha reer talyaani ayaa ka saaray David Luiz ciyaartoydii ka hortagay Man United xalay kadib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay kulankii Roma.

Balse Gary Neville ayaa rumaysan in Conte uu ku waayi karo shaqadiisa Chelsea haddii uu keyd ku sii haayo Luiz maadama uu yahay laacib saamayn ku leh qolka labiska ee Blues.

“Tababare walba xaq ayuu u leeyahay inuu doorto ciyaartoyda uu ciyaarsiinayo kulamada kala duwan, laakiin waxaa suurogal ah inay musiibo dhacdo maadama laacibkaas uu saamayn ku leeyahay qolka dhar badalka, waana laacib leh shaqsiyad wayn” ayuu yiri Gary Neville.

“Conte waa uu guulaystay kulankii shalay laakiin haddii Luiz uu keyd galo kulamada soo socda ama laga saaro kooxda, tababaraha reer talyaani wuxuu wajihi doonaa dhibaato wayn”.

“Marwalba oo Chelsea gool laga dhaliyo kaamirooyinku waxay soo qaban doonaan David Luiz, xaalkuna waa uu sii adkaan doonaa”.

“Sanadkii hore waxay isku dhaceen Diego Costa, haatana waa David Luiz, waxaan rumaysanahay in arinkaas uu dhibaato ku yahay shaqadiisa Chelsea”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close