DEG DEG: West Ham oo xilka ka xayuubisay tababare Slaven Bilic

west

(London) 06 Nof 2017. West Ham ayaa ceyrisay tababaraheeda Slaven Bilic iyadoona la filayo inuu xilka qabto Flop kii hore ee Man United David Moyes .

Kulankii sabtida ay guul darada 4-1 kala kulmeen Liverpool ayaa ahayd howshii ugu dambeysay uu u qabto West Ham.

Warbixin ay soo saartay kooxda ka dhisan London ayay ugu mahad celisay Bilic iyo xarfaantiisa shaqada ay kooxda u soo qabteen labadii sano iyo bar ee la soo dhaafay balse waxay sheegeen inay qasab tahay in is badel la sameeyo si kooxda ugu hor marta dhanka fiican.

 Saturday's 4-1 thumping by Liverpool was Slaven Bilic's last in charge

Waxay kaloo West Ham xaqiijisay in kooxda iyana laga diray caawiyayaashii Bilic ee Nikola Jurcevic, Edin Terzic, Julian Dicks iyo Miljenko Rak.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay inay baadi goob ugu jiraan cidii qaban lahayd xilkooda tababaranimo isla markaana shaacin doonaan macallinkooda cusub maalmaha yar ee soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close