David Luiz lama galin oo kaliya Keyd ee si xun ayaa loo bahdilay ka hor kulankii Man United!!!

eq

(London) 06 Nof 2017. David Luiz ayaa si lama filaan ah looga reebay shaxdii Chelsea ee xalay 1-0 uga adkaatay naadiga Man United.

Laakiin maqnaansihiisa ma aysan carqaladeyn Blues oo waxay gool madi ah ku martay Mourinho iyo xarfaantiisa.

Da’yarka Andreas Christensen ayaa la siiyay fursada inuu buuxiyo booskii daafaca reer Brazil.

Luiz was left out of the squad, with Conte picking Andreas Christensen in his back three

21 jirka ayaana ku soo baxay isagoona daafacyada kale ee kooxda ka caawiyay inay shabaqooda ilaashadaan.

Starsport ayaa fahansan in Conte iyo Luiz ay isku dheceen kaddib guul daradii 3-0 ka soo gaartay Roma tartanka Champions League.

Intaa oo kaliya ma ahan oo David Luiz ayaa u dul qaatay bahdilaad kaga timid Conte ka hor kulankii xalay.

Luiz was dropped for Chelsea's Premier League win over Manchester United on Sunday

Waxaa la sheegay in David Luiz laga reebay tababarka kooxda ee 11 vs 11 ee ka horeeyay kulanka Man United  isla markaana lagu qasbay inuu goobta ka noqdo Ball Boy (Wiilasha kubbadaha soo ururiya marka uu bannaanka u boxo)

Ciyaarta kaddib ayuu Cone sheegay inay wax caadi ah tahay inuu safkiisa ka reebo Luiz isla markaana ay sidan oo kale ku dhici doonto ciyaaryahan kasta oo qaab ciyaareed liita la yimaada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close