Conte iyo Mourinho oo siyaabo kala duwan uga hadlay salaantii uu tabbaraha Chelsea la garab maray dhiggiisa United

Chelsea v Manchester United - Premier League - Stamford Bridge

(London) 06 Nof 2017. Antonio Conte waxa uu sheegay in xushmadda banaanka garoonka aysan muhiim ahayn xilli uu sharraxayey sababtii uu u gacan qaadi waayey Jose Mourinho.

Tababbaraha Chelsea waxa uu go’aansaday in uusan sameyn dhaqankii kulanka kaddib ee ay tababbarayaasha isku gacan qaadi jireen xilli uu Mourinho sugayey.

Halkii uu taas sameyn lahaa Contewaxa uu feer u duubtay taageereyaasha tarbuunka oo uu guushii 1-0 ahayd kula dabaal dagay.

Kulanka kaddib Mourinho waxa uu yiri: ‘Wuu lumay. Markaa waxaan gacan qaaday caawiyihiisa taas oo caadiyan isla mid ii ah.’

Mar la weydiiyey arintaas Contewaxa uu yiri: ‘Ma aha muhiim. Waxaa muhiim ah in aad kulanka badiso.

‘Xushmadda waa in aad gudaha garoonka ku sameysaa ma aha banaankiisa.’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close