“8-dhibcood waxba ma ahan, Premier League-na laguma guuleysto Bishan November.”.

pl

(Manchester) 06 Nof 2017. Ander Herrera ayaa aaminsan faanoole fari kama qodna oo wuxuu taagan yahay 8-dhibcood waxba ma ahan isla markaana Premier League laguma guuleysto bishan November.

Manchester United ayaa xalay guul daro ka soo gaartay Chelsea oo gool madi ah ku martay halka Manchester City ay maraqa ka cabtay Arsenal taa oo keentay in wiilasha Jose ay sideed dhibcood u jirsadaan hogaanka.

Herrera oo wax laga waydiiyay fursada ay kooxdiisu ku qaadi karto Premier League kaddib guul daradii xalay ayaa yiri:

Manchester United star warns Pep Guardiola that eight-point gap is 'nothing'

“Kubbada cagta waa qaladaad waana sababta ay goolka nooga dhaliyeen, laakiin iminka waxaan leenahay kulama aan garoonkeena ku ciyaareyno. Waa inaan iska ilownaa midan.

“Iminka waa waqtiga fasaxa kulamada caalamiga ah, ciyaartoyda qaar nasiino ayay qaadan doonaan kuwana way ciyaari doonaan.

“Laakiin iminka waa inaan ka fekernaa kulanka Newcastle United waayo weli waxaa lagu jiraa bisha November, waxaa harsan ciyaaro badan. Weligeey ma arag koox horyaalka ku guuleysaneysa bisha November.

Manchester United star warns Pep Guardiola that eight-point gap is 'nothing'

“Weli kaalinta labaad ayaan ku jirnaa, sideed dhibcood ayaan ka dambeynaa Man City laakiin Premier League wax kasta ayaa dhici kara, 8-dhibcoodna mararka qaar waxba ma ahan. Iminka kama fikiri karno inaan ku guul darreysanay horyaalka waayo kulamo badan ayaa harsan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close