Steven Gerrard oo amaanay Mohamed Salah

Image result for Gerrard and Salah

(Liverpool) 05 Nof 2017 Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa amaanay laacibka ku cusub kooxda ee Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa guul ku hogaamiyay xalay kooxdiisa kadib markii uu dhaliyay 2-gool kulan ay 4-1 uga adkaadeen kooxda West Ham United.

Image result for Gerrard and Salah

Steven Gerrard ayaa sheegay in Salah uusan sifiican u muuqan waqtigii uu joogay Chelsea balse haatan uu yahay laacibka ugu fiican Liverpool.

“Inbadan ayaan daawaday waqtigii Salah uu joogay Chelsea, xiligaas ma ahayn laacib saas muhiim u ah” ayuu yiri Steven Gerrard.

“Laakiin markii uu yimid Liverpool shaki la’aan wuxuu noqday laacibka ugu fiican kooxda marka lala barbardhigo ciyaartoyda kale”.

Mohamed Salah ayaa u dhaliyay Liverpool 12 gool 17 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close