SERIE A: Juventus oo labaad soo degtay, Napoli oo lagu dhagay iyo Roma oo ku faagatay Fiorentina

DN4V8rtW4AEGcDt

(Italy) 05 Nof 2017. Juventus ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Talyaaniga kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Benevento.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay iyadoo 1-0 lagu hogaaminayo kooxda lagu naaneyso Marwada Cajuusta.

Laakiin markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 57-aad Gonzalo Higuain ayaa goolka u soo bar bareeyay.

Laacibkii hore ee Chelsea Juan Cuardrado ayaa goolka guusha u dhaliyay Juventus daqiiqadii 66-aad.

Napoli oo hogaanka heysay ayaa lumisay labo dhibcood kaddib markii ay bar baro goolal la’aan ah la dhaafi waysay kooxda Chievo Verona.

Roma oo iyadu qaab ciyaareed fiican ku jirtay baryahaan ayaa 4-2 ku cabtay kooxda Fiorentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close