SERIE A: SAS VS ACM 0-2…Milan oo meel uga soo baxday macallinka Montella + Sawirro

(Sassuolo) 05 Nif 2017 – Kooxda AC Milan ayaa ugu yaraan waqti xaadirkan badbaadisey macallin Montella ka gadaal markii ay 2-0 kaga soo badisay kooxda Sassuolo oo ay marti ugu ahayd Mapei Stadium.
Madax uu dhaliyay Alessio Romagnoli iyo gool ahaa nooca qoritaanka ah ee uu caanka ku yahay Suso ayaa ku fillaaday inay 3 dhibcood oo qaali ahaa ku ridaan jeebka kooxda Vincenzo Montella oo qaaquullo kaga jirtey dhanka natiijooyinka Serie A.
Nasiib wanaag, AC Milan oo 3-dii kulan ee ugu dambeeyay laba badisay iyo Montella ayaa haatan haysta 2 todobaad ku dhowaad oo ay iskugu diyaariyaan kulanka adag ee ay ku wajahayaan hoggaamiyayaasha horyaalka oo ah SSC Napoli.
Gool FM