HORDHAC: Manchester City Vs. Arsenal

Manchester-City-vs-Arsenal-EPL-LeagueLane-Predictions

(Manchester) 05 Nof 2017. Mid ka mida kulamada ugu adag horyaalka England toddobaadkan – Manchester City vs. Arsenal waxa uu ballan qaadi doonaa madaddaalo la hubo.

Walow Arsenal muddooyinkii dambe gacanta sare lahayd hadana ololahan Man City ma aha mid lagu deg degi karo.

Maxaa ka cusub labada naadi?

– Kyle Walker, David Silva iyo Gabriel Jesus wey ciyaari doonaan kaddib markii dhammaan la nasiyey kulankii Napoli.

– Bernardo Silva sidoo kale safka kowaad ayuu isha ku hayaa kaddib markii ay Sterling iyo Sane 90-ka daqiiqo dhammeysteen kulankii Napoli.

– Benjamin Mendy iyo Vincent Kompany wali dhaawac ayuu ku maqan yihiin

Arsenal

-Arsene Wenger waxaa wel wel ku haya taam ahananshaha Sead Kolasinac oo aan la dheelsiin khamiistii

-Haddii uu Sead Kolasinac taam noqdo ma jiri doonto is bedel uu ku sameeyo safkiisa Wenger

RAADRAAC

-Manchester City wey badisay 8dii kulan ee ugu dambeeysay Premier League-ga

-Arsenal 9 ka mida 10kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Manchester City la dheesho lagama badin dhammaan tartamada

SAFAFKA LA FILI KARO

Set featured imageCity

Gegida: Etihad

Saacadda Geeska Africa: 5:15Pm

Dhex dhexaadiyaha: Michael Oliver (England)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close