EPL: Man City oo sii dheereysatay hogaanka horyaalka kadib guul ay ka gaartay Arsenal +SAWIRRO

(Manchester) 05 Nof 2017 Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay Arsenal oo marti u ahayd, waxayna sii dheereysatay hogaanka horyaalka kadib guul 3-1 ah oo ay ka gaartay.

Weerar labada dhinac ah ayeey ku bilaabatay ciyaarta, Aguero ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa laakiin kama uusan faa’idaysan fursadii uu helay.

Dhanka Arsenal Sanchez ayaa khasaariyay fursad uu helay, 19 daqiiqo De Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay City kadib markii uu daafaca Arsenal la dhex maray kubadd uu ku dhufsaday Fernandinho.

34 daqiiqo Sterling ayaa ka khasaariyay City kubadd ay dhalin kareen, Guardiola ayaana aad uga carooday fursadaas uu khasaariyay laacibka reer ingiriis.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Man City.

Qaybtii labaad, City ayaa halkeeda ka sii waday weerar keeda, 49 daqiiqo Aguero ayaa gool u badalay gool ku laad lagu galay Sterling, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-0.

Arsenal ayaa hurdada ka kacday wixii ka danbeeyay waqtigaas, tababare Wenger ayaa badal ku keenay Lacazette.

64 daqiiqo Lacazette ayaa gool u soo celiyay Arsenal kadib kubadd uu ka helay Ramsey, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

74 daqiiqo Jesus ayaa ka faa’idaystay kubadd daafacyada Arsenal ay u maleeyeen in Silva uu garab dhaaf ku jiro, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday Man City oo gaartay dhibicdii 31 ee horyaalka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close