EPL: Alvaro Morata oo ka caawiyay Chelsea inay guul ka gaarto Man United +SAWIRRO

(London) 05 Nof 2017 Alvaro Morata ayaa ka caawiyay Chelsea inay guul ka gaarto kooxda Manchester United oo mati u ahayd, waxayna uga adkaadeen 1-0.

Labada kooxood ayaa soo galay garoonka iyaga oo mid walba ay maanka ku hayso muhiimada guusha.

Dhawr fursadood oo ay sameeyeen qaybtii hore ayeeysan ka faa’idaysan, waxaana lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii dambe, Chelsea ayaa firfircooni badan ku soo gashay garoonka, waxayna abuureen fursado badan.

55 daqiiqo Morata ayaa madaxeeyay kubadd uu soo qaaday Azpilicueta, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Morata ayaa fursado badan ka khasaariyay kooxdiisa oo loo filan karay goolal, dhanka kale Rashford ayaa isna goolal ka khasaariyay kooxdiisa.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday Chelsea.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close