Antonio Conte oo ka soo tagay David Luiz ka hor kulanka Man United

(London) 05 Nof 2017 Tababare Antonio Conte ayaa ka soo tagay daafaca reer Brazil ee David Luiz kadib bandhigiisii liitay ee kulankii Roma.

David Luiz ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Chelsea ee u soo safray magaalada Manchester halkaas oo ay kula ciyaari doonaan kooxda tababare Mourinho.

Antonio Conte ayaa badalka David Luiz soo watay Christensen kaas oo uu si rasmi ah ugu soo bilaabay ciyaarta.

Waxaa la fahansanaa inuu jiro isku dhac u dhexeeya Conte iyo David Luiz kaas oo ka dhashay guul daradii kooxda ka soo gaartay Roma isbuucii hore markaas oo 3-gool laga dhaliyay Chelsea.

Shaxda ay ku soo galayso Chelsea kulanka Man United oo laga reebay David Luiz:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close