Xulka Talyaaniga ee Sweden wajahaya oo la magacaabay! (Jorginho oo soo noqday)

(Roma) 04 Nof 2017 – Xulka Talyaaniga ayaa ee labada kulan ee kala baxa ah Koobka Adduunka Sweden la ciyaaraya ayaa lagu dhawaaqay waxaana kusoo laabtay Jorginho, Simone Zaza iyo Alessandro Florenzi.

Xulka Azzurri ayaa KA18 lagu qabanayo Ruushanka kusoo aadi kara habka kala baxa ama  play-off oo qura, kaddib markii uu kaalinta 2-aad ka galay guruub ay kula jireen dalkaasi Spain.

Kooxda Giampiero Ventura oo Isniinta iskugu imanaysa Coverciano, ayaa lugta hore booqan doonta Stockholm Jimcaha soo aaddan 10-ka Nofeembar, kahor inta aysan lugta 2-aad isla Isniinta xigta aysan kula ciyaarin San Siro, Nofeember 13.

Hoos ka eeg magacyada xulka la magacaabay….

GOOLWALAYAAL: Gianluigi Buffon (Juventus), Gianluigi Donnarumma (Milan), Mattia Perin (Genoa);

DAAFAC: Davide Astori (Fiorentina), Andrea Barzagli (Juventus), Leonardo Bonucci (Milan), Giorgio Chiellini (Juventus), Danilo D’Ambrosio (Inter), Matteo Darmian (Manchester United), Daniele Rugani (Juventus), Leonardo Spinazzola (Atalanta), Davide Zappacosta (Chelsea);

KHAD DHEXE: Federico Bernardeschi (Juventus), Antonio Candreva (Inter), Daniele De Rossi (Roma), Stephan El Shaarawy (Roma), Alessandro Florenzi (Roma), Roberto Gagliardini (Inter), Lorenzo Insigne (Napoli), Jorge Luiz Frello Jorginho (Napoli), Marco Parolo (Lazio), Marco Verratti (Paris Saint Germain);

WEERAR: Andrea Belotti (Torino), Eder Citadin Martins (Inter), Manolo Gabbiadini (Southampton), Ciro Immobile (Lazio), Simone Zaza (Valencia).

b b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close