Rummenigge oo mugdi galiyay mustaqbalka Ribery ee kooxda Bayern Munich

(Munich) 04 Nof 2017 Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa mugdi galiyay mustaqbalka Franck Ribery.
Rummenigge ayaa sheegay in waqtigaan kooxdu aysan wax go’aan ah ka gaari karin mustaqbalka laacibka reer France.
Hoos u dhac iyo dhaawacyo badan ayaa hareeyay qaab ciyaareedka Ribery, waxaana muuqanaysa in kooxdu ay diyaarinayso qaabkii ay uga maarmi lahayd.
“Heshiis kordhinta Ribery? Waa laacib u qalma qadarin, kooxda iyo taageerayaashaba waa ay jecelyihiin laakiin kubadda cagtu waa mid ku dhisan tartan” ayuu u sheegay Sky Sports.
“Waa inaad is waydiisaa su’aalaha saxda ah oo ah mustaqbalka kooxdu ma wuxuu ku jiraa Ribery mise waxaan u baahanahay laacib cusub?”
“Go’aan kama gaari doono mustaqbalka Ribery anaga oo ku jirna bisha November taasi faa’iido ma keenayso, arimahaasna kama hadlayno waqtigaan”.
Gool FM