Man City oo Juventus ku garaacaysa saxiixa Emre Can

(Manchester) 04 Nof 2017 Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka Emre Can ee kooxda Liverpool.

Manchester City ayaa doonaysa inay la wareegto Emre Can kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay shabakada Calcio Mercato.

Kooxda Pep Guardiola ayaa diyaar u ah in Juventus ay ku garaacdo saxiixa Emre Can iyaga oo ka soo gudbinaya dalab 4 milyan ka badan dalabka Juventus.

Emre Can ayaa fasax u haysta suuqa janaayo inuu wada xaajood la gali karo kooxdii uu doono, tababare Klopp ayaa qirtay in kooxdiisu ay ku dhawdahay inay wayso laacibka reer Jarmal.

Waxaa jira warar sheegaya in Liverpool iyo Emre Can ay ku fashilmeen inay wada gaaraan heshiis kordhin.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close