”Ma jiro macallin jooga EPL oo aan saaxiib la ahay” – Conte

(London) 04 Nof 2017 – Macallinka Chelsea ee Antonio Conte ayaa sheegay inuu jirin macallin haatan jooga Premier League oo uu u arko saaxiib, balse wuxuu Conte qiray inay isku fiicnaayeen macallinkii Leicester City ee Claudio Ranieri  oo laga eray horyaalka England.

“Wax saaxiib ah miyaan leeyahay? Daacaddii, uma malaynayo haatan, maya,” ayuu yiri Conte.

“Kahor, waxaan xiriir wanaagsan la lahaa Claudio Ranieri kaddib xafladdii abaalmarinta FIFA ayaan xitaa isla baxnay oo aan isla cashaynay annagoo ay xaasaskeennu na wehliyaan.” ayuu raaciyay.

“Balse waxay ila tahay inay adag tahay in laga hadlo ”xiriir saaxiibtinimo” oo aad la yeelato tababare kale, waayo wuxuu noqonayaa lidkaaga, waad xushmayn kartaa, balse way adag tahay inaad saaxiib la noqoto.” ayuu yiri.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close