EPL: Liverpool oo hilfaha u qaaday West Ham United +SAWIRRO

(London) 04 Nof 2017 Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay West Ham United oo ay marti u ahaayeen, waxayna uga adkaadeen 4-1.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, 21 daqiiqo Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib baas fiican oo uu ka helay Mane, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

24 daqiiqo Joel Matip ayaa hogaanka u sii dheereeyay Liverpool kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu soo tufay goolhaye Hart, wuxuuna ka dhigay natiijada 0-2.

West Ham ayaa isku dayday inay soo celiso gool ka hor dhamaadka qaybta hore, laakiin 0-2 ayaa lagu kala nastay.

Qaybtii Labaad, West Ham ayaa si dardar leh ku soo gashay, 55 daqiiqo Lanzini ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa kadib markii uu daafaca Liverpool ka kor farsamaystay kubadd uu soo qaaday Ayew, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-2.

Daqiiqad kadib, laacibka ku cusub Liverpool ee Chamberlain ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-3.

75 daqiiqo Mohamed Salah ayaa markale soo taabtay shabaqa West Ham kadib kubadd uu ka helay Mane, wuxuuna ka dhigay natiijada 1-4.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-4 oo ay guushu ku raacday Liverpool oo soo gashay booska 6-aad ee kala saraynta horyaalka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close