Edinson Cavani oo ku biiray boqoleyda horyaalka France

(Paris) 04 Nof 2017 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa ku biiray ciyaartoyda 100-ka gool ka dhaliyay horyaalka France.

Edinson Cavani ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa PSG kulan haatan socda oo kooxda caasimadu ay hogaanka ku hayso 3-0.

30 jirka reer Uruguay ayaa dhaliyay mid kamid ah 3-daas gool, wuxuuna dhaliyay goolkiisii 100-aad ee horyaalka France 144 kulan oo uu ciyaaray.

Wuxuu noqday laacibkii 5-aad ee 100-ka gool ee ugu dhaqsiyaha badan ka dhaliya horyaalka France.

Edinson Cavani ayaa 64 gool ku dhaliyay lugta midig, sidoo kale 20 gool ayuu ku dhaliyay lugta bidix isaga oo 14-gool ku dhaliyay madax halka laba gool uu ku dhaliyay siyaabo kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close