Edin Dzeko oo la ogaaday inuu iska diiday dalab uga yimid horyaalka shiinaha

Roma 2

(Roma) 04 Nof 2017 Weerar yahanka kooxda Roma ee Edin Dzeko ayaa la ogaaday inuu iska diiday dalab uga yimid horyaalka shiinaha.

Edin Dzeko ayaa iska diiday dalab sanadkii uu ku qaadan lahaa 13 milyan oo euro oo uga yimid shiinaha sida ay baahisay Calcio Mercato.

31 jirka reer Bosnia ayaa doorbiday inuu la sii joogo kooxdiisa oo haatan uu ku soo bandhigayo qaab ciyaareed cajiib ah.

Edin Dzeko ayaa u dhaliyay kooxdiisa xiliciyaareed kaan 10 gool isaga oo abuuray laba kale 14 kulan oo kooxda uu u saftay horyaalka iyo Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close