Aniguba waan ku cabaadi karaa dhaawacyada kooxdayda” – José Mourinho oo ku dhega hadlay Conte

(London) 04 Nof 2017 – Macallinka Man United Manchester United ee Jose Mourinho ayaa u qanjiiriyay dhiggiisa Chelsea ee Antonio Conte oo aad uga hadlayay dhaawacyada laacibiintiisa.

Mourinho ayaa ku eedeeyay Conte in “uu aad ugu barooranayo” dhaawacyada kooxdiisa kahor kulanka ay berri ku yeelanayaan gegada Stamford Bridge.

“Waan ogahay inaan wax badan oo kale ka cabaado, balse kuma jiraan dhaawacyadu,” ayuu yiri.

“Sida dhici karta todobaad kasta waan u ooyi karaa dhaawacyada. Macallin kastoo kale wuxuu ka hadli lahaa Pogba, ‘Oh ma haysto Pogba, oh goorma ayaan dib u helayaa Pogba, oh dhamaanba kulamada heerka guruubyada Champions League oo Pogba la’aan ah, oh dhamaanba kulamada waawayn ee Liverpool, Chelsea, Spurs oo Pogba la’aan ah’.

“Marna kama hadlin Pogba hadda adigaa i waydiiyay maahane.” ayuu ku faanay Mou.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close