Alvaro Morata oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Jose Mourinho

Image result for Alvaro Morata and Mourinho

(London) 04 Nof 2017 Weerar yahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeya tababaraha Man United ee Jose Mourinho.

Alvaro Morata ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya tababarihiisii hore uu yahay mid wanaagsan, wuxuuna cadeeyay inay si joogto ah u wada xiriiraan.

Wuxuu daaha ka qaaday inuu yahay tababarihii ku gacansiiyay inuu ku soo biiro kooxda koowaad ee Real Madrid isaga oo heshiiskiisii ugu horeeyay oo rasmi ah u saxiixay Real waqtigii uu joogay tababaraha reer Portugal.

“Inbadan ayaan wada hadlaynay waqtiyadii u danbeeyay mana ahayn oo kaliya xaggaagii haatan, xiriirka igala dhexeeya waa mid wanaagsan” ayuu yiri Alvaro Morata.

“Ma hilmaamayo inuu igu soo daray kooxda koowaad ee Real Madrid markaas oo aan saxiixay heshiiskeygii iigu horeeyay oo rasmi ah”.

“Sidaas darteed si joogto ah ayaan u xiriirnaa oo aan u wadahadalnaa haddii ay ahaan lahayd wax quseeya kubadda ama arimo kale”.

“Waa tababarahaygii iigu horeeyay laakiin haatan waa tababaraha kooxda naga soo horjeeda, aniga oo ixtiraam badan u muujinaya waxaan dadaal dheer ku bixinayaa sidii aan uga guulaysan lahayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close