Xiddigaha Barcelona oo ka soo qeyb galay xaflada Dhalashada Wiilka Lionel Messi…+SAWIRRO

(Catalonia) 23 Nof 2017. Wiilka curadka Lionel Messi ee Thiago ayaa usbuucan Shan jirsaday iyadoo ay xafladiisa ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah xiddigaha safka hore ee Barcelona.
Thiago ayaa xaflada dhalashadiisa la yimid Aabihii Messi, Hooyadii Antonella Roccuzzo iyo walaalkii Mateo oo labo jir ah.
Isla kolkii ay yimaadeen Qabiilka Messi, waxaa goobta sidoo kale ka soo muuqday xarfaanta Barcelona iyo waliba dad kale oo muhiim ah.
Suarez, Alba, Masherano iyo Bosquets oo hadiyado wada ayaa ka soo muuqday sawirada laga soo qabtay goobta xaflada Messi Yare.
SAWIRRO:
Gool FM.