”Weli kama hadli karno hanasho horyaal” – Matias Vecino

(Milano) 03 Nof 2017 – Laacibka khadka dhexe ee Inter Milan ee Matias Vecino ayaa sheegay inay khalad tahay in ay iminka ka sheekeeyaan hanashada Scudetto gaar ahaan marxaladdan hordhaca ah isagoo yiri – “Jidku weli waa dheer yahay”.

Kooxda Nerazzurri ayaa horyaalka Talyaaniga ku bilowday bandhig kaba wanaagsan midkii laga filayay iyadoo laga dareemayo saamaynta Luciano Spalletti, iyadoo haatan 2 dhibcood uun ka hooseeyda hoggaamiyayaasha Serie A ee Napoli.

“Meel sare ayaannu kaga jirnaa liiska kala sarreeynta waxaana doonaynaa inaannu ka faa’iidaysanno, ujeedkeennuna waa usoo bixitaanka Champions League,” ayuu Vecino ku yiri Premium Sport.

“Ma ka hadli karnaa ‘Scudetto’? Maya, jidku weli aad buu u dheer yahay, waxaanse doonaynaa inaan tillaababa mar qaadno waayo weli ciyaaro fara badan baa haray.” ayuu raacshey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close