Santi Cazorla oo daaha ka rogay inuu ku dhawaaday in lugta laga Jaro

ca

(England) 03 Nof 2017. Kubbad qaabeeyaha Arsenal Santi Cazorla ayaa ka sheekeeyay dhaawaca xun ee soo gaaray isagoona daaha karogay inuu ku dhawaaday in lugta laga jaro.

Laacibka reer Spain ayaan u ciyaarin Arsenal muddo sanad ah kaddib dhaawac ka gaaray seedka bilowga kal ciyaareedkii tagay.

Wuxuu maray sideed qaliin tan iyo dhaawicii hore isagoo si aad isugu dayay inuu soo laabto.

Laakiin waayihiisa ciyaareed ayaa gabi ahaan ku dhawaaday inuu soo afjarmo kaddib markii uu ku dhacay infekshanka (infection)

Wareysi qiiro leh uu siyay jariiradda Marca ee dalka Spain ayuu Cazorla ku sheegay in dhakhaatiirtu ku fikireen inay ka jaraan lugta.

32-jirka ayaa waxaa loo sheegay inuu nasiib badan yahay haddii uuba markale socdo inuu ciyaaro iska daayee wuxuuna wajahay rajada inuusan mardambe ciyaari doonin kubbada cagta.

Cazorla ayaa waayay oo laga bixiyay sideed santimitir oo seedka hoose wuxuuna u baahday in maqaar laga soo jaray gacantiisa lagu buuxiyo.

Sikastaba, laacibka ayaa iminka ku rajo wayn inuu sanadka cusub dib ugu soo laabto kubbada cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close