Lazio oo uu fikir ku abuuray faya qabka Ciro Immobile (Axadda oo uu maqnaan karo)

(Roma) 03 Nof 2017 – Kooxda SS Lazio ayaa ku dhididaysa faya qabka qannaaskeeda Ciro Immobile, kahor kulanka ay Axadda la yeelanayaan kooxda Udinese.

Laacibka ayaa seegay kulankii ay xalay 1-0 uga adkaadeen kooxda OGCE Nice ee Europa League, balse waxaa loo badinayay inuu taam noqonayo kulanka horyaalka Serie A-da Talyaaniga, balse Sky Italia ayaa haatan sheegaya inuu laacibku weli xanuun ka dareemayo muruqa cajirka.

Laacibka ayaa xaaladdiisa la qiimayn doonaa berritoole, balse ma cadda in uu Simone Inzaghi heli doono adeegga jookarkiisa.

Waxay sidoo kale arrintani murjin doontaa macallinka Talyaaniga ee Giampiero Ventura, oo laacibkan u baahan labada kulan ee kala baxa ah ee ay la yeelayaan Sweden.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close