Jose Mourinho oo saakay Maxkamad la soo taagay…+SAWIRRO

(Madrid) 03 Nof 2017. Jose Mourinho ayaa saakay la soo taagay Maxkamad ku taala magaalada Madrid ee dalka Spain iyadoo uuna ka soo tagay wax yar kaddib markii dacwadiisa la dhageystay.
Macallinka reer Portugal ayaa ka soo baxay maxkamadda isagoo sheeganaya in Kiiska la xiray kaddib markii uu bixiyay adduun dhan 2.9 milyan oo bound si loogu xaliyo canshuur lunsi lagu soo aadeeyay.
Tababaraha Manchester United ayaa had iyo jeer dafirsanaa/Inkirsanaa inuu wax qalad ah sameeyay wuxuuna la hadlay saxaafada maxkamadda kaddib.
Jose oo la aaminsan yahay inuu si buuxda u bixiyay lacagta uu muranka ku jiro ayaa yiri:
“Waxaa la ii sheegay in xaaladeyda canshuur bixinta ay gabi ahaan sharci ahayd.
“Sanado yar kaddib waxaa la ii sheegay in la furay baaritaano waxayna ii sheegeen si loo joogteeyo xaaladeyda waa inaan lacago dheeri ah bixiyo.
“Kama jawaabin, Ma Murmin, waan bixiyay waana saxiixay, kiiskana waa la xiray.
“Taasi waa sababta aan u joogo halkan, wax kale ma jiraan.”.
Gool FM.