Cristiano Ronaldo oo la guddoonsiiyay Abaal marin hor leh

cr

(Madid) 03 Nof 2017. Cristiano Ronaldo oo dhawaan uun loo caleemo saaray laacibka ugu fiican ee FIFA isla markaana la saadaalinayo inuu hanan doono Balon d’Or ayaa sidoo kale maanta loo gacan galiyay abaal marin kale oo hor leh.

Xiriirka Caalamiga ee Taariikhda Kubbada Cagta iyoTiro-koobka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IFFHS) ayaa laacibka reer Portugal u aqoonsatay gool dhaliyaha ugu fiican adduunka ee 2016.

Abaal marinta ayaa waxaa guddoonsiyay Madaxwayne ku xigeenka (IFFHS).

Ronaldo ayaa wuxuu abaal marinta ku garaacay Lionel Messi iyo Endison Cavani oo kala galay labaad iyo saddexaad.

Kabtanka xulka Portugal ayaa sidaan ku noqday laacibka inta ugu badan ku guuleysta abaal marintan oo wuxuu hantay 3-jeer 2013, 2014 iyo 2016, waxaa ku soo xiga kabtanka Argentina oo labo jeer qaaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close