Qarada dhaawaca Faouzi Ghoulam oo maanta la ogaanayo

(Roma) 02 Nof 2017 – Dadabka Napoli ee Faouzi Ghoulam ayaa waxaa maanta baaris ku samayn doona Pierpaolo Mariani si loo go’aamiyo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca xalay ka gaarey jilibka.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Algerian ayaa xalay garoonka iskaga baxay gelinkii hore ee ciyaarta kulankii Champions League ee ay 2-4 uga adkaatay Manchester City, iyadoo laga baxayo inay wax gaareen seedaha aasaasiga ah ee jilibka.

Ghoulam ayaa ku jawaabey “waxaannu arki doonnaa berri” mar la waydiiyay ciyaarta kaddib, iyadoo uu iminka Il Mattino sheegayo in uu maanta la ballansan yahay Dr Mariani oo ku qaabili doona isbitaalka Villa Stuart ee Roma.

Profesor Mariani ayaa lagu ogyahay inuu yahay xeel dheere sameeya qalliinnada jilibka isagoo ku guulaystey Alessandro Florenzi, Arkadiusz Milik iyo Mattia Perin oo uu qalliin ku sameeyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close