“Ma doonayo inaan Heshiis cusub u saxiixo Real Madrid.”. -Cristiano Ronaldo

cr

(Madrid) 02 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa dafiray inuu Real Madrid  ka dalbay heshiis kor dhin isagoona guul daradii xalay ka soo gaartay Tottenham kaddib sheegay inuusan dooneyn inuu heshiiska u kordhiyo Los Blancos.

Warkaan ayaa wuxuu farxad galinayaa taageerayaasha Manchester United oo marar badan ku riyoonayay inay xiddigoodii dib u helaan.

Guul daradii xalay ee Tottenham kadddib, xiddiga reer Portugal ayaa si cad u muujiyay caradiisa iyo jahwareerka heysta.

 Cristiano Ronaldo and Real Madrid have been struggling so far this season

Mar ay beIN Sports waydiisay Ronaldo haddii uu filanayo in Real Madrid ay u soo bandhigto heshiis hormarsan ayaa yiri:

“Ma doonayo inaan heshiiska cusbooneysiiyo, Ma doonayo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay heshiiska ii harsan, afar sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga.

 Cristiano Ronaldo cut a frustrated figure as Real Madrid lost at Tottenham

Wariyihii wax wareysanayay ayaa su’aasha ku adkeeyay xiddiga reer Portugal isagoona ku yiri:

“Ma Hubtaa?,”

Ronaldo ayaa si bareer cad ku yiri: “Ma doonayo inaan heshiiska cusbooneysiiyo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close