Isco oo ka carooday badalkii xalay uu u taagay tababare Zidane

(Madrid) 02 Nof 2017 Kubadd abuuraha Real Madrid iyo xulka Spain ee Isco ayaa ka carooday badalkii xalay uu badalay tababare Zidane.
Isco ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 74 markaas oo kooxda Tottenham ay hogaanka ku haysay 3-0.
Don Balon ayaa baahisay in Isco uu ka carooday badalkii uu ku sameeyay tababaraha reer France xili goolal lagu leeyahay kooxda.
Laacibka ayaan fahmin wixii uu ka damacsanaa tababare Zidane inuu isaga bixiyo isla markaana uu badalkiisa garoonka soo galiyo da’yarka reer Spain ee Borja Mayoral.
Shabakada ayaa sheegtay in Isco uusan ku jirin liiska ciyaartoyda lama taabtaanka u ah Zidane kuwaas oo kala ah Ronaldo, Kroos, Casemiro, Marcelo, Modric iyo Benzema.
Gool FM