Harry Kane oo sharaxaad ka bixiyay sirtii ka danbaysay guushii ay ka gaareen Real Madrid

(London) 02 Nof 2017 Weerar yahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ka hadlay guushii xalay kooxdiisu ay ka gaartay Real Madrid.

Harry Kane ayaa sheegay inay dib u daawadeen kulankii ka dhacay Bernabeu kaas labada kooxood ay isla dhaafi waayeen 1-1.

Wuxuu intaa ku daray in kulankaas ay ka dhex heleen qaabka ugu fudud ee ay uga adkaan karaan kooxda difaacanaysa koobka horyaalada yurub.

“Waxaan rumaysanahay inaan sifiican u ciyaarnay, 3-1 ayaan ku adkaanay, waxaan awoodnay inaan dhalino gool kale” ayuu yiri Harry Kane.

“Waxaan daawanay kulankii ka dhacay Bernabeu, taas ayaana inbadan na caawisay, waa wax wanaagsan in qaab kaan aan uga adkaano kooxda difaacanaysa koobka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close